Puntland oo Beesha Caalamka u dirtay baaq la xiriira Dhuusamareeb 3

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Dowladda Puntland ayaa ku eedeysay madaxweyne Farmaajo in uu ka shaqeynayo wiiqida heshiisyadii Dhuusamareeb 1 iyo 2, si lamid ah qorsheyaasha lagu qabanayo Dhuusamareeb 3.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu soo magacaabo ra'iisul wasaare cusub kahor inta aan la isugu imaan kulan kale oo arrinta coddeynta khuseeya.

Maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Farmaajo uu baarlamaanka u adeegsaday riditaanka ra'iisul wasaarihii hore "oo fulin lahaa heshiisyadda".

"Madaxweynaha [wuxuu] si farsamo ah u daahiyey magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub si aysan u hirgelin is-afgaradyadii Dhuusamareeb 2 iyo qabsoomida Dhuusamareeb 3," ayaa la raaciyey.

Qoraalka oo dowlada ku eedeeyay "in ay si latashi la'aan ah isugu gaar yeeshay shaqada guddiga farsamo ee nooca doorashada" ayaa soo dhaweeyay shir heshiis siyaasi looga gaarayo cod-bixinta.

Farmaajo ayay sidoo kale waxay cod dheer ugu dhaleeceysay in uu iska indhatiray doorka Aqalka Sare oo ah metelaada dowladaha xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

"Dowlada Puntland waxay ugu baaqeysaa madaxweyaha dowlada federaalka ah in uu magacaabo Ra'iisul Wasaare qeyb ka noqda fulinta heshiisyada qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2020-21," ayaa lagu soo xiray.

Ugu dambeyntii, dowlada Puntland ayaa wakiilada Beesha Caalamka ugu baaqdey in ay ka qeybganaan Dhuusamareeb 3, arrintaas oo ay tibaaxdey in ay damaanad qaad u noqoneyso dhaqan-galka go'aanada wadahadalka.

Hoos ka akhriso bayaanka

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM