​Puntland oo soo bandhigtay hub iyo agab ay ka qabsadeen Daacish

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Dowladda Puntland, ayaa duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari kusoo bandhigtay Hub, Saanad Miletari iyo agab kale oo ay ka qabsadeen koox katirsan Daacish oo magaaladaas qabsatay dabayaaqadii sannadkii hore.

Agabkan oo ay ku jireen, Qoryaha fud-fudud, Rasaas iyo waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada ayaa la sheegay in lagusoo qabtay dagaalkii ka dhacay degmadaas iyo howlgallo ciidamadu sameeyeen.

Arrintan ayaa la baahiyay kadib markii Madaxweynaha iyo wafdi la socda kormeer ku tageen fariisin ciidamada difaacu ku leeyihiin Qandala.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cai Gaas, ayaa warbaahinta u sheegay in magaaladan ay tahay mid taariikhi ah islamarkaana aysan suuro gal ahayn inay sii joogaan kooxaha nabad-diidka ah, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida oo uu xusay inay sii joogi doonaan Qandala.

‘’Waxaanu taaganahay xeebta magaalada Qandala ee aadka u quruxda badan, qiimaha badan, barwaaqada ah, magaaladani waa magaladii cadawga laga xoreeyey waxbadan oo dhibana waa ay ka geysteen, hay'adihii dawliga ahaa wixii u yiiley waa qateen waxna waa jejebiyeen, dadkii shacabka ahaa guryohoodii bay bililiqaysteen taas bedelkeednaa waxa ay ka heleen jawaabteeda ciidamadeena geesiyaasha ah," Ayuu yiri Madaxweynaha Dawlada puntland.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey bulshada magaalada inay ka shaqeeyaan hormarka degmada islamarkaan garab istagaan ciidamada sugaya amnigooda.

Dowladdu masoo bandhigin Rag Madaxweynuhu sheegay in gacanta lagu dhigay iyo kuwo isa-soo dhiibay oo katirsan Daacish.

Soo bandhigista agabkan ayaa yimid xilli bil ka hor degmadaas laga sifeeyay koox sheegatay inay xiriir la leeyihiin Daacish, taasoo ilaa iminka laga warqabin halka ay ku suganyihiin kadib wixii ka dambeeyay markii laga saaray Qandala.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM