Puntland oo soo dhawaysay dilkii hoggaamiyaha Al-Shabab

Image

[GO, Sabti, Sep 6, 2014]  Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa maanta sheegay dilka hoggaamiyihii Ururka Al-Shabab inuu hoos u dhigayo dhibaatooyinka ka taagan Somalia.

Dr.Gaas ayaa hadal kan ka sheegay xili uu booqanayay qaar ka mid ah wasaraddaha dowladda wuxuna tilmaamay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka qayb qaadatay dilkiisa.

‘’Godane waxa uu ahaa Sharwade sharwadayaasha Soomaliya Kan ugu daran ah,marka hadii uu soomaliya dhaafay waxaan isleeyahay wax badan bay soomaliya ka badalaysa dhibta Soomaliya ka jirta ‘’ Gaas aya yiri.

Puntland ayaa qoraal ramsi ah oo ku wajahan dilka Godane kasoo saarin marka laga reebo su'aal ay saxafaddu ka waydiisay dilka Axmed Godane xili uu booqanayay wasaraddo.

Axmad Cabdi Godane oo hogaanka Al-Shabaab hayey muddo Lix sano ah ayaa ururkiisa dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dagaalo ka fuliyeen magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo buuraha Galgala.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay duqayn asbuucii hore ka dhacday meel u dhow degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelada Hoose inay ku dileen horjooge Axmed Godane iyadoona dilkiisa uu durba khilaaf ka dhex abuuray hoggaamiyayaasha kale ee Ururka.

Shalay oo Jimce ah war kasoo baxay wasaradda Difaaca ee Washington  ayaa lagu xaqiijiyay inuu duqayntaasi ku geeriyooday Godane oo la socday labo gaari oo ay kooxdu lee dahay.

Hoggaamiyaha birta ah ee Al-Shabab Axmed Cabdi Godane ayaa lagu qiyaasay Da'diisa 37 wuxuna ka mid yahay sida la sheegay ragga ugu go'aanka adag ee kooxdan soo maray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM