Puntland oo soo dhawaysay dilkii hoggaamiyaha Al-Shabab

Image

[GO, Sabti, Sep 6, 2014]  Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa maanta sheegay dilka hoggaamiyihii Ururka Al-Shabab inuu hoos u dhigayo dhibaatooyinka ka taagan Somalia.

Dr.Gaas ayaa hadal kan ka sheegay xili uu booqanayay qaar ka mid ah wasaraddaha dowladda wuxuna tilmaamay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka qayb qaadatay dilkiisa.

‘’Godane waxa uu ahaa Sharwade sharwadayaasha Soomaliya Kan ugu daran ah,marka hadii uu soomaliya dhaafay waxaan isleeyahay wax badan bay soomaliya ka badalaysa dhibta Soomaliya ka jirta ‘’ Gaas aya yiri.

Puntland ayaa qoraal ramsi ah oo ku wajahan dilka Godane kasoo saarin marka laga reebo su'aal ay saxafaddu ka waydiisay dilka Axmed Godane xili uu booqanayay wasaraddo.

Axmad Cabdi Godane oo hogaanka Al-Shabaab hayey muddo Lix sano ah ayaa ururkiisa dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dagaalo ka fuliyeen magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo buuraha Galgala.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay duqayn asbuucii hore ka dhacday meel u dhow degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelada Hoose inay ku dileen horjooge Axmed Godane iyadoona dilkiisa uu durba khilaaf ka dhex abuuray hoggaamiyayaasha kale ee Ururka.

Shalay oo Jimce ah war kasoo baxay wasaradda Difaaca ee Washington  ayaa lagu xaqiijiyay inuu duqayntaasi ku geeriyooday Godane oo la socday labo gaari oo ay kooxdu lee dahay.

Hoggaamiyaha birta ah ee Al-Shabab Axmed Cabdi Godane ayaa lagu qiyaasay Da'diisa 37 wuxuna ka mid yahay sida la sheegay ragga ugu go'aanka adag ee kooxdan soo maray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM