Puntland iyo Jubaland oo baaq kasoo saarey doorashadda

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa soo dhaweysay heshiiska ay magaalada Muqdisho ku gaareen xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Golaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda dowladda Puntland ayaa sidoo kale waxaa lagu bogaadiyey "garow-shiyaha" ay dowladda federaalka ah ka bixisay dhacdooyinkii 19-kii Febraayo ee Muqdisho.

Sidda ku xusan bayaanka, Puntland ayaa rajo wanaagsan waxay ka qabtaa in dowladda federaalka ay dhameytiri doono caqabadaha ka taagan fulinta heshiiskiii 19-kii September ka dhacay magaala madaxda.

"Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah".

Dhanka kale, Jubaland oo soo dhaweysay heshiiskii Ra'iisul Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqdey dowladda federaalka in ay ogolaatay in saamileyda siyaasadda ka qeybgalaan wadahadaladda arrimaha doorashooyinka.

"Dowladda Jubaland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka dhex maray Dowladda Federaalka ah iyo Midowga Murashaxiinta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho," ayay Madaxtooyadda Jubaland ku tiri war qoraal ah.
 
Qoraalka ayaa la raaciyey: "Jubaland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka iyadoo loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Shuruucda dalka".
 
"Jubaland waxaay ugu baaqaysa Dowlada Federaalka ah inay garowsato in saamileeyda Siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka Doorashada," ayaa lagu soo xiray.

Is-afgaradka dowladda federaalka iyo musharaxiinta oo ka koobnaa lix qodob ayaa waxaa ugu mudnaa in dowladda raaligelin ka bixisay weerarkii musharaxiinta ayna ogolaatay in ay sugto ammaanka mudaaharaadka.

Puntland ayaa kamid ahayd saamileyda dalbadey qodobadaas, balse waxaa u wehliyey in xilka laga qaado taliyeyaasha booliska, milatariga iyo sirdoonka si lamid ah in daneeyeyaasha kasoo muuqdaan wadahadalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM