Puntland oo soo dhoweysey magacaabista Cumar Cabdirashiid

Image

December 17, 2014 (GO)- Dowlada Puntland ayaa soo dhoweysey magacaabista ra'iisal wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland soo dhoweynayso go'aan walba oo maslaxadda dalku jirto islamarkaana looga gaashaamanayo is qabqabsi siyaasadeed oo ragaadiyada shaqada dowladda.

"Dawladda Puntland ee Soomaaliya iyadoo  tix’galineysa isla markaana qadarineysa deganaanshaha dalka iyo  siyaasada soomaaliya waxay  marwalbana taageereysa  qorshe walba oo ay  ummada Soomaaliyeed uga baxayso jaahwareerka iyo   Isqab’qabsiga siyaasadeed ee dib u dhaca ku ridey dhammaan hey’adihii Dawladda Soomaaliya , sidaa daraadeed waxay Dawladda Puntland si buuxda usoo dhaweyneysaa magacaabida Reysul’waaraha cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cumar C/shiid Cali Sharmaarke" qoraalka ayaa sidaas lagu yiri.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland wuxuu markii ugu dambeysey ahaa safiirka dowladda Soomaaliya u fahiya Maraykanka, wuxuu sidoo kale horay ra'isal wasaare uga soo noqday dowladii ku meel gaarka ahayd ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM