Puntland oo soo dhoweysey magacaabista Danjire Dhanani

Image

February 25, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysey safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku usoo magacaabatey dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Garowe ayaa lagu sheegay in magacaabista Danjire Katherine S. Dhadhani ay Soomaalida u tahay guul weyn islamarkaana cadeynayso sida marba marka ka dambeysa ay u kordheyso kalsoonida beesha caalamku ku qabto Soomaaliya.

"Go'aanka lagu soo magacaabay Danjire Dhanani waa mid muhiim u ah Soomaaliya. Keliya micnihiisu ma ahan inuu k turjumayo horumarka iyo kalsoonida lagu qabo Soomaaliya balse wuxuu xoojinayaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka. Si diirran ayaan usoo dhoweyneynaa magacaabista taariikhiga ah, si dhow ayaanuna ula shaqeyn doonnaa Danjire Dhanani" War-saxaafadedka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa sidaas lagu yiri.

Waa markii ugu horreysey laga soo bilaabo sanadkii 1991 ee Dowldda Maraykanku safiir usoo dirsato dalka Soomaliya.

Katherine Dhanani oo ah diblumaasi khibrad dheer leh waayo aragnimo fiicanna ka haysata arrimaha Qaaradda Afrika, waxay horay uga soo shaqeysey wadamo badan oo ay ka mid yihiin India, Mexico, Zimbabwe, Gabon, Zambia iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Konga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM