​Puntland oo taageertay duqa London

Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta hambalyo u diray duqa cusub ee magaalada London Sadiq Khan.

Camay oo ka qayb galayay xaflad lagu daah furayay howsha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa tilmaamay inuu ku faraxsanyahay doorashada hogaamiyaha muslimka ah, wuxuuna u diray hambalyo arrintaasi ku aadan.

"Waxaan rabaa inaan halkan ugu hambalyeeyo Mayorka London, anigoo run ahaantii guud ahaan shacabka magaaladaasi oo runtii sida geesinimada leh u doortay qof Islam ah. Mayorka Sadiq Khan Hambalyo ayaan leeyahay anigoo ku hadlaya guud magaca umadda Somaliyeed gaar ahaan Puntland,"Ayuu yiri Camay.

Wuxoo soo dhaweeyay siyaasadiisa cusub ee ku aadan maamulka magalada London isagoo u xusay inuu mudanyahay in la taageero, halka uu dhaliilay murashaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ee Donald Trump oo ku eedeeyeey inuu kala qaybinayo mujtamaca waddankaasi.

07 Bishan, ayay ahayd markii ninkan asal ahaan kasoo jeeda Pakistan loo doortay inuu noqdo duqa magalada London ee dalka Ingiriiska.

Khan ayaa noqday muslimkii ugu horeeyay ee magaladaasi loo doorto, waana 45 jir ka mid ah 8 carruur ah oo ay dhaleen qoys kasoo guuray dalka Pakistan. Aabihii waxa uu ahaa darawal bas, hooyadiina waxa ay ka shaqeyn jirtay harqaan. 

Ku xigeenka Puntland ayaa sidaan oo kale horey u tageeray musharaxnimadii mar kale Madaxweynaha dalka Jabuuti kadib markii xaflad loogu qabtey magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM