Puntland oo walaac ka muujisay khilaafka hareeyey hay'adaha DFS

Image

November 21, 2014 (GO)- Dowladda Puntland ayaa cadaysey mowqifkeeda ku aadan khilaafka hareeyey madaxtooyada, golaha wasiirada iyo baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed maanta oo Jimce ah kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ka walaacsan tahay khilaafka ragaadiyey habsami u socodka shaqada hay'adaha Dowladda Federaalka, khilaafkaasoo caqabad ku ah in la gaaro himilooyinka sanadka 2016.

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Garowe oo nuqul kamid ahi soo gaarey shabakadda GO wuxuu u qornaa sidan:


Madaxweynaha Puntland oo mar sii horeysey la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haddii khilaafku sii socdo Puntland ka fiirsan doonto xiriirka kala dhexeeya dowladda uu magaalada Muqdisho fadhigeedu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM