Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad
BOOSAASO, Juun 16 — Dowladda Puntland ayaa Axaddii si rasmi ah u xaqiijisay in horjoogaha ururka Daacish ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin, uu ka baxay buuraha Cal-Miskaad, xilli halkaas ay ka socdeen howlgallo milatari oo waaweyn oo ka dhan ah kooxdaas.
Afhayeenka howlgalka Hillaac, Gen. Maxamuud Axmed Faadhigo, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xog ay la wadaageen hay’ado sirdoon oo caalami ah lagu ogaaday in Muumin uu hore uga baxay Cal-Miskaad, inkastoo aan la shaacin goorta iyo sida uu u baxsaday.
“Cabdiqaadir Muumin hadda kuma sugan buuraha Calmiskaad,” ayuu yiri Faadhigo, isagoo xusay in ciidamada Puntland ay la wareegeen 98% degaannada buurahaasi oo ay Daacish muddo ku dhuumaaleysanayeen.
Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in ku-xigeenka Muumin, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud — oo ah madaxa hawlgallada Daacish — uu weli ku dhuumaaleysanayo Calmiskaad, balse uu rajeynayo in si degdeg ah loo soo qaban doono.
Arrintan ayaa imaneysa maalin kadib markii madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ku dhawaaqay dhammaadka wajiga saddexaad ee howlgalka lagula dagaallamayo Daacish, isagoo bilaabay wajiga afraad oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha yar-yar ee wali ku firxan meelo godad ah.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamada Puntland la dagaalameen dagaalyahanno ajnabi ah oo ka kala yimid qaaradaha Yurub, Afrika, Aasiya iyo Ameerika. Wuxuu sheegay in Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.
Intaa waxaa dheer, ciidamada ammaanka Puntland ayaa labo maalin ka hor gacanta ku dhigay nin ajnabi ah oo cadaan ah oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Daacish. Waa ninkii ugu horreeyay oo ajnabi ah oo nolol lagu qabto tan iyo intii uu socday dagaalka lagula jiro kooxdaas.
Howlgalka Hillaac ayaa noqday mid ka mid ah kuwa ugu ballaaran ee Puntland ka fuliso gobolka, iyadoo la helayo taageero dhanka sirdoonka iyo macluumaadka ah oo ka imaanaya la-hawlgalayaal caalami ah.
GAROWE ONLINE