Puntland oo Xukun ka soo saartay xubno ka tirsan 'ISIS'

Image

GAROWE, Soomaaliya - Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ay ku dhawaaqday xukunno lagu riday saddex eedeysane oo lala xiriirinayo Kooxda Daacish.

Raggaan ayaa lagu soo qabtay eedeymo la xiriira falal lidi ku ah amniga deegaanada Puntland. Markii ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyay ayaa waxaa la horgeeyay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, halkaasi oo lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil sarsare ayaa soo saartay go’aammadan hoos ku qoran:

1- Salmaan Faarax Maxamed waxaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah.
2. C/llaahi Shire Maxamuud oo u ka tirsan Daacish waxaa lagu xukumay 5 sano.
3. Maxamed Axmed Maxamuud waxa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dacwadda ay u hoggaansaneyd heerarka caalamiga ah, taasoo muujineysa sida ay Puntland uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da cadaaladda iyo sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM