Puntland oo xukun ku ridday wariye Kilwe Aadan Faarax

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamadda Ciidamadda Puntland ayaa Arbacada maanta ah waxay saddex bilood oo xabsi ah ku xukuntay Kilwe Aadan Faarax kaasoo baaris ay ku socotay tan iyo 28-kii December, sanadkii 2020 oo la xiray.

Inkasta oo xeer-beegtadu daaha ka rogtay in xeer-ilaalintu aysan horkeenin caddeymo ku filan, saxafiga ayaa wajahayey eedeymo ay kamid tahay in uu muuqaal ka duubay sawirka madaxwayne Deni oo la jeex-jeexayo.

"Xukunka xabsiga wuxuu kasoo bilaaban doonaa maalinta la xiray taasoo la macno ah in ay u hadhay saddex casho," ayay maxkamadu ku tiri xukunka.

Waa markii ugu horeysay oo Maxkamad ciidan ay xukunto wariye, iyadda oo ay xusid mudan tahay in xeer-ilaalinta aysan ka qeybgelin maxkamadeynta kiiskan.

Isaga oo todobaadkii lasoo dhaafay la hadlayey xarunta PDRC Talks, madaxwayne Deni soo hadal-qaadey kiiska wariye Kilwa ayaa xusay in ay dhici karto in wariyeyaasha da'yarta ay shaqsiyaad uga faa'iideystaan duruufta.

Deni ayaa ugu baaqay guud ahaan saxaafadda si gaar ah warfidiyeenka Puntland in ay ka shaqeeyaan danaha Soomaalida si gaar ah dadka maamulkan.

Maamulka waqtiga ka dhamaadey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa afartii sano ee taladda dalka uu hayey wuxuu noqdey taliskii ugu xumaa ee soo mara warbaahinta xorta ah ee Soomaaliya, sidda ay sheegtay Amnesty.

Hay'addan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa xustey in dowladda Farmaajo ay saxaafadda madaxa-banaan isugu dartay cagajugleyn iyo cabsi-gelin ay u dheer-tahay laaluushid qeyb kamid ah si aysan baahinta warar liddiga ku ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM