Puntland: Qarax ka dhacey magaaada Bossaso

Image

BOSSASO: Nin ku labisan Jaakad qarax ku hoos jiro ayaa isku qarxiyey bar kontrool oo ku taal agagaarka Hotel Juba magalaada Bossaso.

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxaas uu ku dhintey askari ka tirsan ciidamada boliiska halka labo kale ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa dhacay waxyar kadib markii Salaada maqrib laga soo baxay Halkaasoo dad badan ku sugnaayeen goobta.

Lama oga khasaaraha dhabta ah balse waxaa idinla wadaagi dooonaa wararkeena dambe.

Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ayaa bilihii ugu dambeeyey ku soo kordhayey magaalooyinka Bossaso iyo Galkacayo Halkaasoo kooxaha argagixisada ah dhaqdjaqaayo ka wadaan.

Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya xillli Madaxweynaha Puntland safaro aan kala go laheyn ugu maqan yahay wadanka dibadiisa kuwasoo maalmihii ugi dambeeyey ku marayey dalalka Yurub.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM