Puntland: Qaraxyo ka dhacay magaalada Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Qaraxyo xooggan ayaa goordhaweyd ka dhacay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug qaybta Waqooyi, waxayna gaysteen khasaaro dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeedba leh.

Qaraxyadan ayaa kadhacay suuqa xero Dayax iyo afaafka hore ee dowladda Hoose.

Weerarka koowaad oo lagu waramay inuu gaystay qof naftiis hallige ah ayaa lala eegtay hoolka weyn ee Suuqa halkaas oo ay ku dukaamaystaan haweenka magaalada islamarkaana subaxii usoo adeeg doontaan boqolaal kamid ah dadweynaha.

Weerarka labaad ayaa ka dhacay xarunta dowladda hoose, waxaana lagusoo beegay xilli dadku isugusoo aruureen qaraxii koowaad islamarkaana waxaa loo adeegsaday baabuur.

Macadda khasaaraha rasmiga ah oo weeraradaasi ka dhashay, balse waxaa daryanka qaraxyadan laga maqalay guud ahaan magaalada Galkacyo iyadoo ay waxyeello soo gaartay dhammaan guryahii ka agdhawaa.

Goob jooge ku sugan halka falalkaasi ka dhaceena ayaa Garowe Online u sheegay inuu indhaha saaray maydad badan iyo dad hilbahoodu googo'een isagoo intaasi ku daray inuusan ka warrami karin xaaladda meeshaas.

Dadka ugu badan ee waxyeelladu soo gaartay ayaa la rumaysanyahay inay yihiin haween.

Majirto cid sheegatay qaraxyadaasi, wax war ahna ilaa hadda kama soo bixin dowladda Puntland.

Maaha markii ugu horraysay oo weerar ka dhaco magaalada Galkacyo, balse waa qaraxii ugu xoogganaa ee abid ka dhacay, waxaana lagusoo beegay xilli dhawaan magaalada loo sameeyay maamul cusub kuwaasoo sheegay inay badaleen habkii loo sugi jiray amniga magaalada Galkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM