Puntland: Qaylo-dhaan laga soo saarey xaaluf lagu hayo degaanka

Image
Dowladda iyo hay'adaha ay qusayso ayaa loogu baaqay in ay sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabtaan.

GAROWE, Puntland - Maamulka iyo bulshada degmada Shaxda ee gobolka Karkaar ayaa cabasho xooggan ka muujiyey shaqsiyaad xaaluf baahsan ku haya deegaanka oo jaraya noocyada kala duwan ee dhirta gaar ahaan geedka Galoolka si ay dhuxul uga shittaan.

Guddoomiyaha degmada Shaxda Cabdiqani Cusmaan Cumar, ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa bishii 1aad ee sanadkaan ay aad usii kordhayaan falalka lagu xaalufinayo deegaanka oo ay samaynayaan muruq maal ajaaniib ah gaar ahaan Oromo ay soo kiraysteen ganacsato reer Puntland.

Waxa uu xusay inay jiraan dad hubaysan oo ku shaqeysanaya Oromada isla markaana ay ka awood badan yihiin ciidanka ammaanka ee ka howlgala degmadaasi, isagoo ugu baaqay dowladda dhexe iyo hay'adaha ay qusayso inay sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM