Puntland: Qaylo-dhaan laga soo saarey xaaluf lagu hayo degaanka

Image
Dowladda iyo hay'adaha ay qusayso ayaa loogu baaqay in ay sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabtaan.

GAROWE, Puntland - Maamulka iyo bulshada degmada Shaxda ee gobolka Karkaar ayaa cabasho xooggan ka muujiyey shaqsiyaad xaaluf baahsan ku haya deegaanka oo jaraya noocyada kala duwan ee dhirta gaar ahaan geedka Galoolka si ay dhuxul uga shittaan.

Guddoomiyaha degmada Shaxda Cabdiqani Cusmaan Cumar, ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa bishii 1aad ee sanadkaan ay aad usii kordhayaan falalka lagu xaalufinayo deegaanka oo ay samaynayaan muruq maal ajaaniib ah gaar ahaan Oromo ay soo kiraysteen ganacsato reer Puntland.

Waxa uu xusay inay jiraan dad hubaysan oo ku shaqeysanaya Oromada isla markaana ay ka awood badan yihiin ciidanka ammaanka ee ka howlgala degmadaasi, isagoo ugu baaqay dowladda dhexe iyo hay'adaha ay qusayso inay sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM