Ra'iisul Wasaare Rooble oo gaarey Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Garowe kusoo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Soo dhoweynta waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka iyo kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garowe.

Rooble ayaa kulankiisu daaran yahay ismariwaaga ka taagan qabashada doorashada la filayey iney la dhacdo dalka Soomaaliya bilaha December, January iyo February.

Wasiirka Kowaad oo muddo kooban hayay xilkaan ayaa kulan asbuucii la soo dhaafey magalaada Muqdisho Dowlada Federaalka, maamulada Somalia iyo beesha caalamka kaga dhawaaqey inuu booqasho ku tagayo magaalo madaxyada qaar ka tirsan dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM