Puntland: Roob doon la iclaamiyay
GAROWE- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dawlada Puntland, Saalax Xabiib Jaamac oo maanta warbaahinta kula hadlayay magalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa ka waramay xaaladda abaaraha iyo biyo la'aanta ka jira qaybo kamid ah gobollada Puntland, isagoo iclaamiyay Roob dhawaan dhici doonta.
Saalax, ayaa sheegay in 25 bishan, guud ahaan Puntland ka dhici doon Roob doon, isasgoo tilmaamay inay tahay arrin diiniyan banaan islamarkaana ALLE dib loogu laabanayo, wuxuuna maamullada gobollada, degmooyinka, waxgaradka iyo dhammaan bulshada ka codsaday inay ka qayb qaataan sidii la isugu soo bixi lahaa.
Wasiirka, ayaa faray wasaaradaha waxbarashada, shaqada iyo shaqaalaha inay fasaxaan Ardayda iyo dhamaan shaqaalaha kala duwan ee ka howl gala deegaanada Puntland, isagoo codsaday in la diyaariyo goobihii la isugu imaan lahaa.
Wuxuu cadeeyay in laga soo dayrinayo xaaladda goboollada qaybtooda, isagoo walaac ka muujiyay inay halis gali karto nolosha dadka hadii aan wax laga qaban. Dhammaan dadka hantida haysta ayuu tilmaamay inay la soo xiriiraan guddiga loo xilsaaray abaahara oo Gudoomiye looga dhigay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camay, si looga fogaado isku xirnaan la'aan in waxtarka la geeyo goobaha aan munaasab ahayn.
Iclaamintan Roob doontan, ayaa kusoo beegantay xilli labo maalin kahor la isugu yeeray dhammaan culimaa'udiinka Puntland, kuwaasi oo wasaaraddu kala hadashay qaabkii gurmad loo samayn lahaa, waxaana socda dadaalo lagu hakinayo khasaaro ka dhasha abaaraha baahsan ee kajira gobollada Puntland gaar ahaan Sool, Sanaag, Bari iyo gobollada qaybo kamid ah.
GAROWEONLINE