​Puntland: Roobab ka da'ay gobollada Nugal iyo Karkaar

Image

GAROWE- Roobab fiican ayaa xalay ka da'ay qaybo kamid ah gobollada Puntland gaar ahaan gobollada Nugal iyo Karkaar, waxaana aad u soo dhaweeyay  islamarkaana EEBBE uga xamdi naqay shacabka gobollada ku nool.

Magaalooyinka Qardho, Garowe, Burtinle, meelo badan oo Miyiga iyo Tulooyinka gobolladaasi ayaa laga soo sheegay inay ka da'een roobab fiican islamarkaana ku qabowsadeen bulshada iyo duunyada halkaasi ku nool.

Goob joogayaal la hadlay Radio Garowe, ayaa kusoo waramay in roobkaasi uusan gaysay wax saamayn ah, balse Xareddu warantahay dooxooyinka iyo waddooyinka.

Abaartii baaxsanayd ayaa sheegeen in roobkan booga dhay u yahay, balse ALLE ka barayayaan inuu ka dhigo roobkii anfac yeesha.

Dhinaca kale Mas'uuliyiin ku sugan Eyl iyo Burtinle ayaa sheegaya in roobkaasi biyo galiyay baraagaha islamarkaana xooluhu ka cabeen.

Shalay 25 April ayay ahayd markii Roob doon caam ah laga sameeyay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, kuwaasi oo EEBBE lagu weydiinayay inuu bulshada ka dulqaado abaarta iyo biyo la'aanta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM