Puntland: Sarkaal Ka tirsan wasaarada Qorsheynta oo Galkacayo lagu diley

Image

GALKACAYO, Puntland- Magaalada Galkacayo gobolka Mudug ayaa caawa fiidkii dabley hubeysan waxa ay toogasho ku dishey isu duwihii gobolka ee wasaarada Qorsheynta Iyo xiriirta caalamiga ah Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in AHN Cabdulahi Maxamad Farax lagu diley xaafada Garsoor ee magaalda Galkacayo abaarihii 7:30 fiidnimo.

Dilka isu duwaha ayaa imaanaya kadib markii bilowgii Bisha Ramadan magaalada Galkacayo lagu diley gudoomiyahii ururka Haweenka AHN Dhudi Aadan.

Amaanka magaalada Galkacayo ayaa aad looga dayrinayaa iyadoo dadweynaha ku nool Cabsi ka qabaan dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo dadka Hal doorka ah.

Xukuumada Puntland ayaa Weli qaadin talaabooyin rasmiya oo ay ku sugeyso amniga magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM