​Puntland: Sarkaal lagu qisaasay Garowe [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay dil ku fulisay Askari katirsanaan jiray ciidamada qalabka sida ee Daraawiishta.

Gaashaanle dhexe Caydaruus Daahir Awaare ayaa maanta lagu toogtay magaalada Garowe, waxaana la sheegay inuu dil bareer ah u gaystay Labo Xidigle Cabdiwali Faarax Ismaaciil oo isna katirsan ciidamada  daraawiishta kadib markii uu dhexmaray muran ka dhashay Dhul.

Caydaruus ayaa qasaasta waxaa ku fuliyay walaalka marxiumaka horey loo diley kadib markii qoyska uu ka dhashey Labo xidiglaha doorteen iney qasaas ku fushadaan Gashaanle Caydaruus.

Xeer ilaaliyahah Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada culus ee Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye ayaa xaqiijiyay go'aankaasi, wuxuuna sheegay in AHN gaashaanle Caydaruus ku cadaatay fal dambiyeedkaasi.

Firdhiye ayaa xusay in arrintan tahay ciqaabta qof kasta oo qudha ka jara naf kale isagoo intaasi raaciyay in lagu toogtay madal ay ku sugnaayeen mas'uuliyiinta degmada Garowe iyo hogaanka ciidamada qalabka sida.

Maaha markii ugu horraysay oo dil toogasho ah lagu fuliyo saraakiil katirsan ciidamada Puntland, dhawaan ayayna ahayd markii sidaas oo kale loo qisaaray Askar katirsan madaxtooyada kuwaasoo dilay sarkaal katirsanaa Booliiska degmada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM