​Puntland: Shabaab ka khudbaysay Garmaal Eyl Nugal

Image

Warar aan ka helnay deegaanka Garmaal oo katirsan degmada Eyl gobolka Nugal, ayaa sheegaya in halkaasi gaareen mallayshiyaad katirsan kooxda shabaab kuwaasi oo sheegay inay fariisin halkaasi ka samaysan doonaan.

Kooxda halkaasi gaartay ayaa dadka deegaanka khudbad u jeedisay, waxayna tilmaaameen inay faafinayaan diinta Islaamka, iyagoo dadka deegaanka ka codsaday  inay la shaqeeyaan maadaama aysan wadin dhib balse faafinayaan shareecada Islaamka.

Mallayshiyaadankan, waxaa la xaqiijiyay inuu hogaaminayo nin lagu magacaabo Saacid Karartee.

Imaashaha kooxdan, ayaa keentay inay qaxaan badi dadkii ku sugnaa xeebaha degmada Eyl, iyagoo ka cabsi qaba ciidamada goobta soo gaaray.

Arrintan ayaa keentay in xaalad dag dag ah lagu soo rogo Puntland kadib kulan ay yeesheen wasiirrada xukuumadda.

Waa markii ugu horaysay ciidamo taabacsan ururka Shabaab yimaado gobolka Nugal, waloow horay ugu sugnaayeen gobolka Bari labo garab oo katirsan Daacish iyo Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM