Puntland: Shacabka Bendar-Beyla oo baaq abaaraha ah u direy xukuumada Gaas [Dhageyso]

Image

Bandar-Bayla- Barnaamij gaar ah oo habeenkii xalay 4 January, 2017 lagu qabtey degmada Bandar-Bayla oo ka tirsan gobolka Karkaar ayaa qaybaha kala duwan ee shacabka iyo maamulka degmada waxay qaylo dhaan ugu direen xukuumada Madaxweyne Gaaa iyo dhamaan hay'adaha kala duwan ee dowlada kuwasoo gabi ahaanba ka gaabiyey taakuleynta dad reer Guraa ah oo Kumanaan gaaraya kuwaasoo  dhowaan ku soo hayaamey Roob ka da'ay degaanada hoos yimaada degmadaas.

Kulankaan oo toos looga dhageyatey Idaacada Radio Garowe ayaa waxaa shacabka ka hadlay goibtaas waxay baaq cod-Dheere ah ugu direen wasarada Xanaada Xoolaha, wasarada Caafimaadka iyo Wasaarda arimaha gudaha kuwa soo la sheegey in xalaado ba'an ee ka jira degaankaas lagu soo hayaaamey ay ka gaabiyeen iney u soo gurmadaan waqtigii munaasabka ahaa.

Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo muddo 41 cisho ah kadib dib ugu soo noqdey Puntland ayaa bilaabey maalmihii la soo dhaafey abaabul wasaradaas iyo gudoomiyaal gobol ugu dirayaan deganadaas qaylo dhaantu kasoo yeereyso.

Wasiirka wasarada Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa kamid ahaa waftigii madaxwyenaha Puntland magalada Muqdishu kula maqnaa muddada Bisha ah.

Dowlada Puntland oo uu Madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa dhamaan hay'adaheedii dowliga ahaa waxay noqdeen kuwo fadhiid  kuwaasoo Howl-wadeenadii loo magacaabey shaqada noqdeen kuwo dakhli la'aan shaqeyn kari waayey halka kuwo kalena si gaar ah ugu shaqeystaan wasaardihii madaxda looga dhigey maadaama uusan jirin xisaabtan dhab ah iyo ka warqab.

Madaxweyne Gaas oo muddo 19 cisho kadib  dib ugu soo noqdey magaalada Bosaaso ayaa shir jaraa'id uu ku qabtey garoonka diyaardaha ka sharqamiyey inuu booqasho ku tagayo degaanada abaartu saameysay.

NB: Warsidaha Garowe Online ayaa qayb ka ah koox wariye-yaal ah oo booqasho ku tagey degaankaas dhibka laga soo sheegayo Waxaan idiin soo gudbin doona dhowaan muqaalo, sawiro iyo codad khuseeya arinkaan

HALkAAN RIIX OO KA DHAGEYSO QAYLO DHAANTA SHACABKA DEGMADA BANDER-BEYLA

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM