Puntland: Shirka golaha wasiirrada oo lagu eedeeyay dowladda dhexe
GAROWE- Kulanka khamiis-laha ah ee golaha xukuumada Puntland oo maanta shir gudoominayay madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa looga dooday arrimo kala duwan oo khuseeya Puntland iyo Somalia.
Shirkan, waxaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, kaabayaasha dhaqaalaha, abaaraha, Dastuurka iyo shir ku saabsan JPLG oo ka dhacay dalka Kenya.
Golaha xukuumadda Puntland ayaa isku raacay in amniga Puntland yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana saldhigyo waaweyn ciidamada baddu ku yeelan doonaan deegaanada xeebaha dhaca si looga hortago falalka la xiriira kooxda Shabaab.
Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday arrimaha Dastuurka dalka Somalia, waxaana kulanka lagu sheegay in Axdiga shacabka Somaliyeed u yaalla aan la horgayn shakhsiyaad tirsan ee la fuliyo hishiiskii dhacay 12 April kaasoo dhigayay in Puntland lagu qabto shirweyn 10 bari soconaya oo looga doodayo khilaafaadka ku saabsan dastuurka.
Barnaamijka hormarinta degmooyinka ee Puntland kasocda ayaa lagu soo hadal qaaday kulanka golaha wasiirrada Puntland, waxayna kasoo horjeesteen shirka ka dhacay Muqdishu kaasoo loogu yeeray Wadajir islamarkaana diiradda lagu saarayo JPLG-ga.
Xaaladda abaaraha Puntland ayaa kulankan oo Garowe ka qabsoomay lagu faah faahiyay, waxaana la sheegay inuu marayo heerkii ugu sareeyay islamarkaana uu saameeyay dhammaan gobollada Puntland, waxayna golaha xukuumaddu qaylo dhaan u direen dhammaan shacabka Somaliyeed, kuwa Puntland iyo beesha Caalamka iyagoo ka dalbaday gurmad dag-dag ah oo loo fidiyo dadka iyo duunyada tarab-tarabta u le'enaysa.
Golaha ayaa sidoo kale eed u soo jeediyay dowladda dhexe, waxayna ku dhaliileen inay iska indho-tirayso xaalada kajirta Puntland iyo wax ka qabashadeeda abaaraha.
Dowlada Federaalka ayaa dhowaan lacag gaareysa Hal Maryan dollar ugu deeqdey xaaladii abaaraha ee ka jirtey degaano ka tirsan Somaliland iyadoo wareejinteeda u soo wakiilatey xubno ka uu kamid yahay Xasan Diiriye Xaad.
Arrintan ayaa kusoo aaday xilli madaxweyne Gaas ku suganyahay dalka Ethiopia islamarkaana uu booqanayo xarumo kala duwan, halka deegaano badan oo Puntland katirsan laga soo sheegayo xaalad halis galisay nolosha dadka.
HOOS KA AKHRISO QORAAL KASOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA PUNTLAND
GAROWEONLINE