Puntland: Shirka la xisaabtanka xukuumadda oo Garowe ka furmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

02 January, 2015(GO)-Waxaa goor dhaweyd xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ka furmay shirka dib loogu eegayo waxa u qabsoomay xukuumadda Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas sannadkii tagay.

Shirkan oo markii labaad laqabanayo ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan hay'adaha dowladda, waxaana mudada uu socdo soo bandhigi doonaan qorshayaashii ay shaaciyeen 2014 wixii uga qabsoomay iyo kuwa aan hirgalin sababta u baaqdeen.

Xafladda daahfurka kulankaasi oo si toos ah loogala socdo TV-yada iyo Idaacadaha oo Radio Garowe kamidtahay ayaa waxaa ujeedooyinka loo qabtay shirkaas ka warbaxshay wasaaradda qorshaynta Puntland, taasoo tilmaamtay inay tahay qaabkii loo ogaan lahay shaqada wasaaradduhu u hayaan bulshada.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shirka furay ayaa madasha ka cadeeyay in goobtan lagu ogaan doono wasaaraddii waxqabad samaysay iyo midda aan waxba qaban, wuxuuna xusay inaysan jirin wax laga qarinayo bulshada maadama dowladdu u adaygayso shacabka.

Furitaanka kadib, waxaa laguda galay soo bandhigista waxqabadka wasaaradaha oo loogu hormariyay wasaaradda Cadaaladda Puntland oo sheegtay in qorshayaashii 2015 dhammaantooda gaareen iyagoo yoolka ku sheegay 80% balse ka gaaray 75%, halka markii hore joogeen 50% sida uu goobta ka shaaciyay Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi Maxamed Cali Farax, waxaana faah faahinteeda idiinku soo gudbin doonaa wararkeenna dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM