​Puntland: Shirka Wasiirrada oo Arrimo Kala Duwan Looga Hadlay

Image

GAROWE- Waxaa maanta magalada Garowe ka qabsoomay kulan ay isugu yimaadeen golaha xukuumadda Puntland.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac "Quraan Jecel", oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in kulanka wasiirrada lagu soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin, qaabka loo dhigayo doorashada Somalia, abaaraha Puntland ka jira, qaabka shaqo qorista iyo amniga guud ee Puntland.

Wuxuu tilmaamay in goluhu si cad u diideen nidaamka 4.5 in doorashada Somalia lagu saleeyo iyagoo beesha caalamka ka codsaday isticmaalka oraahda ku addan doorashada ee ah; in loo dhammaa go'aankii dhawaan Muqdishu kasoo baxay. 

Quraan Jecel ayaa cadeeyay inaan shirarka lagu soo hadal qaadin wufuudda la sheegay inay imaan doonaan Puntland kuwaasoo ka socda beesha Caalamka iyo dowladda Federalka Somalia kuwasoo u socda sidii Puntland loogu qancin lahaa habka la qaatey. Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay inay socdaan wadatashiyo ku aaddan go'aanka Puntland ka qaadaynayso hab-raaca doorashada Somalia ee dhici doonta 2016, isagoo sheegay inay Garowe ka socdaan kulamo la xiriira arrimahaasi. 

Arrinkan, ayaa imaanaysa xilli Puntland diiday go'aankii kasoo baxay madasha watashiga doorashada Somalia, taasoo lagu go'aamiyay in aqalka hoose "Barlamanka" lagu soo xuli doono qabiil ama 4.5 halka golaha sare si siman loogu qaybin doono maamullada marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo xubno dheeri ah la siiyay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM