Puntland: Soomaaliya ifi-faale fiican kama muuqdo

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Arimaha Gudaha ee dowlada Puntland, Cabdinuur Faarax Juxa oo ka hadlayay munaasabad ay isku dooranayeen golaha deegaanka cusub ee magaalada Badhan ee gobalka Heylaan ayaa markale cabiray aragtida Puntland ee federaalka.

Juxa ayaa sheegay in aysan iyagu ififaale fiican uga jeedin Soomaaliya.

"Soomaaliya ififaale fiican ugama jeedno waxaan xoojinaynaa inta lahaysto in la xejisto lana sii horumariyo".

Isaga oo sii hadlaya ayuu sheegay in hanaanka dowlad dhiska ee Soomaaliya aanan heshiis lagu ahayn isla markaana aysan cidna gooni ula cararin waxa dadka ka wada dhaxeeya.

Tan ayaa sii fogeynaysa heerka ay kala gaareen madaxda Puntland iyo kuwa Muqdisho oo aanan tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Hassan Sheikh aan xiriirkoodu wanaagsanayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM