Puntland: Soomaaliya ifi-faale fiican kama muuqdo

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Arimaha Gudaha ee dowlada Puntland, Cabdinuur Faarax Juxa oo ka hadlayay munaasabad ay isku dooranayeen golaha deegaanka cusub ee magaalada Badhan ee gobalka Heylaan ayaa markale cabiray aragtida Puntland ee federaalka.

Juxa ayaa sheegay in aysan iyagu ififaale fiican uga jeedin Soomaaliya.

"Soomaaliya ififaale fiican ugama jeedno waxaan xoojinaynaa inta lahaysto in la xejisto lana sii horumariyo".

Isaga oo sii hadlaya ayuu sheegay in hanaanka dowlad dhiska ee Soomaaliya aanan heshiis lagu ahayn isla markaana aysan cidna gooni ula cararin waxa dadka ka wada dhaxeeya.

Tan ayaa sii fogeynaysa heerka ay kala gaareen madaxda Puntland iyo kuwa Muqdisho oo aanan tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Hassan Sheikh aan xiriirkoodu wanaagsanayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM