Puntland: Suldaan Garaase oo u ambabaxey degaanka Qarxis Nugaal

Image

GAROWE, June 26,2015 (GO)- Suldaan Siciid Maxamad Garaase oo ka tirsan Isimada gobolka Nugaal ayaa maanta wafti uu hogaaminayo waxay u ambabaxeen degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan dowlada Puntland iyo ciidamo uu hogaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada booliska Puntland.

Safarka Suldaanka ayaa wararku sheegayaan inuu baajiyey dhamaan guddiyo damacsanaa in dhowaan u ambabaxaan goobaha ciidamadaan isku-horfadhiyaan ee ka tirsan gobolka Nugaal.

Maalmihii lasoo dhaafey kulan ka dhacey magaalada Garowe ayaa lagu magacaabey guddi ka kooban 25 xubnood kuwasoo sheegey iney u ambabaxyaan degaanka Qarxis balse baaqdey kadib markii hadalo ay saxaafada ka sheegeen dhexdhexaadnimadooda dhaawac u gaarey.

Xiisada ka taagan gobolka Nugaal ayaa cirka isku shareertey kadib markii madaxweynaha dowlada Puntland amar ku baxshey asbucii lasoo dhaafey in talaabo ciidan laga qaado ciidamada uu hogaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee Booliska Gen. Muxayadiin Axmad Aw-Muuse.

Ciidamada Gen. Muxaydiin oo u dhaqaaqey degaano ka tirsan gobolka Nugaal ayaa waxaa ku biirey maleeshiyo beleedyo farabadan kuwasoo ku sugan degaankaas taasoo adkeysay xaalada taagan.

Waxgaradka degaanada Puntland ayaa qaadey talaabooyin ay kaga hortagayaan dagaalo ka dhaca degaankaas kuwasoo khatar galin kara jiritaanka maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM