Puntland: Urur u kala jabay sadex Garab

Image

GAROWE, Soomaaliya - Urur siyaasadeedka Mustaqbal oo ay ku midaysnaayeen kooxo danleey ah oo kala duwan ayaa qaaday dhabbihii uu horey ugu kala haaday ururka Shaqaalaha oo khilaaf ragaadiyay ilaa aakhirkii lagula wareegay Afgembi aan dhiig ku daadan oo ay diideen guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.

Kooxo ka kala socday Warbaahinta, urur diimeeedyo is qarinaya, Ganacsato iyo siyaasiyiin taariikhda kaga jiray baalal madaw qaybtood ayaa ku midaysnaa Mustaqbal.

Garabka koowaad oo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee Dekedaha Puntland ahna afhayeenka ururka Mustaqbal, Cabdulaahi Jaamac Saalax isla markaana inta badan ku xoog leh gacantana ku hayay xafiisyada Karkaar iyo Bari ayaa gebi ahaanba diiday hanaanka lagu muran-san yahay ee Doorashooyinka iyaga oo ka qeyb ahaa shirwaynihii Mucaaradka Xukuumada Deni ee Dhawaan Garowe kusoo dhamaaday iyaga oo ku baaqay in lagu qabto Doorashada 08 jan 2024 isla markaana lagu galo habkii 66-da ee hore.

Garabka Labaad oo uu Hogaaminayo Gud xigeenka koowaad ururka Mustaqbal, Cabdikaafi Xasan Maxamed oo lagu tilmaamo mid isaga iyo deegaankiisa ay gacanta ku haystaan ururka Mustaqbal dhamaantiis marka la joogo gobalka Nugaal ayaa isaguna kamid ahaa baaqii caawa ururada Sincad, Ifiye iyo garabkooda Mustaqbal ay kusoo saareen in Doorashada Puntland dadweynuhu ay Barlamaanka/wakiilada doortaan isla markaasi ay golaha wakiiladu doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Garab sadexaad oo ah midka ugu tabarta yar ayaa ah Gudoomiyaha ururka Mustaqbal xildhibaan, Cabdicasiis Siibad oo ah xubin golaha wakiilada Puntland ee xilhayntooda Dastuuriga ah sii dhamaanayso.

Siibad ayaa ku guuleystay in uu xubinta ururka ee PEC-ta aan la isku waafaqsanayn ka dhigo xubin ku deegaan "Qabiil" ah isaga oo taas lagu tilmaamay mid uu isku aamini waayay xubnaha kale ee ururka.

Inta badan xubnaha PEC-ta oo ay ka maqan yihiin wali 3 urur ayaa ah kuwo laga muujiyay walaaca in lagu soo xulay Eex iyo Qaraabo badankoodna aanay horey uga soo shaqayn xafiisyada maamul iyo kuwa hay'ddaha caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM