Puntland: Wafdi tagay deegaanka Buuro-wadal Sool
GAROWE- Waxaa maanta deegaanka Buuro-wadal oo katirsan gobolka Sool booqasho gaaban ku tagay wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, iyagoo ujeedkoodu ahaa sidii looga hadli lahaa markale arrinta deegaankaasi oo muran ka taagnaa muddooyinkii dambe.
Wafdiga, waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi, ku-xigeenkiisa labaad, Xildhibaano, Wasiirro, Isimo iy saraakiil ciidan.
Booqashadan oo ilaa kama hadlay cid katirsan dhinacyadii goobta, tagay balse qoraal kasoo baxay xarunta Madaxtooyada Puntland waxaa lagu sheegay in mas'uuliyiinta Buuro-wadal tagay muujiyeen sida nabad galyada iyo xasiloonidu muhiimka u tahay iyagoo kadigay cid kasta oo wada amni xumo.
Khilaafkii goobtaasi ka dhashay ayaa dowladda Puntland gaar ahaan Madaxweyne ku-xigeenku ku sifeeyay arrin aan loo baahnayn, wuxuuna soo afjaridda khilaafkaasi in xukuumaddu go'aamo kasoo saartay, balse maanta u tageen sidii dadka deegaanka ula shaqayn lahaayeen dhinacyada kala duwan ee dowladda.
Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Ugaas Cabdulaahi Ciise oo kamid ah isimadii ka qayb galay kulankii dhexmaray wafdigaas iyo dadka deegaanka Buuro-wadal ayaa soo dhoweeyey go’aanka la qaatay iyo in la adkeeyo nabadgelyada, iyagoo ballan-qaaday inay xukuumadda ku garab istaagi doonaan tallaabo walba oo dhinaca horumarka, adkaynta nabad-gelyada iyo ilaalinta midnimada Puntland loo qaadayo.
Booqashadan oo markii labaad Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku tagayo deegaankaasi ayaa timi kadib markii uu soo baxay khilaaf ka dhashay bar-kantarool oo halkaasi loo raray, waxaana qorshahaasi loo fasiray siyaabo kala duwan oo kaliftay in Puntland qorshihii hore dib uga laabato islamarkaana la mamnuuco in halkaasi oo xool daaqeen ah loo badalo deegaan, waxaan amar kasoo baxay xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland lagu sheegay in la tirtiro dhammaan astaamihii goobtaasi yaallay.
GAROWEONLINE