​Puntland: Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Xarun yeelatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismo cusub oo ay leedahay wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, kaasoo laga hirgaliyay magaalo madaxda Puntland.

Xaflad xarigga looga jarayay guriggan oo labo dabaq ka kooban, waxaa kasoo qayb galay xubno kasocda wasaaradaha Puntland iyo shaqaalaha dowladda.

Khudbado kala duwan ayaa laga jeediyay madasha, waxaana wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland uu sheegay inuu ku faraxsanyahay hoygan wasaaraddu yeelatay, isagoo sheegay inuu ku yimi dadaal iyo isku tashiga dowladda iyo shacab.

Xubno kale oo shacab iyo mas'uuliyiin isug jiray, ayaa soo dhaweeyay qorshahan xarumaha loogu sameyay hay'adaha dowladda, waxayna ku taliyeen in xarumaha kale sidan oo kale goobo ay leeyihiin loo sameeyo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, oo dar-daran u jeediyay wasaaradda ayaa ugu baaqay inay soo dhamaytirsaan dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka aan weli loo samayn, waxuuna farxad ku tilmaamay inuu arko xarun uu dhagax dhigeeda goob joog ka ahaa.

10 bilood ayaa laga joogaa markii madaxda Puntland dhagax dhigeen dhismaha xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, waxayna ku biiraysaa wasaaradihii hore ee dagana dhismayaashooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM