Puntland: Wasiir Juxa oo hadal gaf ah ku yiri reer Garoowe

Image
Caasimadnimada Garoowe ayaa ku timid heshiis bulsho, kuna qoran dastuurka Puntland, iyada oo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Puntland kala mid ah dhanka faa’idada laga heley dowladnimada. 

GAROWE, Puntland - Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dimoqoraadiyaynta ee Puntland Cabdifarax Siciid Juxa ayaa markale dhaliyay hadal hayn iyo falcelin aysan ku farxin bulshada reer Nugaal, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Garoowe kadib markii uu meel fagaaro ah ka sheegay hadal xanaf leh.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in magaalada Garowe ay ka faa’iidday caasimadnimada, sidii iyada oo ay jiraan magaalooyin kale oo aanan ka faa’iidin dowladnimada Puntland. Wuxuuna yiri “Gobolka Nugaal, asaaskii Puntland waa ku faa’iideen; garoobadii baa laga guursaday, guryihiina waa u qaaliyoobeen ee geeddiga cusub ha mahadiyaan”.

Hadalkan oo ay dad badan gef u arkeen marka la tixraaco falcelinta Baraha Bulshada iyo hadal haynta dadka , ayaa daba socda mid uu horey Juxa uga sheegay Garoowe , kaas oo uu isugu dayayay in uu qiil ugu sameeyo in kaltanka madaxtinimada Puntland ee la sheego laga weeciyo reer Nugaaleed, wuxuuna hadalkiisii hore ahaa “caasimadnimada Garoowe ayaaba u dhiganta Taraha “.

Hadalada qadafka ah ee wasiirka laga diiwaangaliyay sanadihii dambe ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya, iyada oo hadalkii uu Isimada Puntland ku sheegay in ay howlgab yihiin ay keentay in ay xumaato wada shaqayntii uu la yeelan lahaa dhaqanka oo tiir dhexaad u ah shaqada ay wasaaradiisa u xil saarantahay.

Hadalkan cusub ayay dadka qaar u arkaan mid horu dhac u ah ololaha dib u doorashada madaxweyne Deni ee uu Juxa hormuudka ka yahay, iyada oo la doonayo in la gado aragti ah in caasimadnimada Garowe la siisto hirgalinta barnaamijkaan.

Caasimadnimada Garoowe ayaa ku timid heshiis bulsho, kuna qoran dastuurka Puntland, iyada oo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Puntland kala mid ah dhanka faa’idada laga heley dowladnimada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM