Puntland: Wasiir kasoo horjeestay xiriirka loo jaray Iran

Image

15 January, 2016(GO)-Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobollada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji (Gurxan), ayaa kasoo horjeestay go'aanka xiriirka loogu jaray dowladda Iran oo lagu eedeeyay arrimo kusaabsan shiicaynta umadda Somalia.

Gurxan ayaa tilmaamay inaysan meesha oollin sabab loo jari karo calaaqaad labo waddan ka dhaxeeyay, wuxuuna khalad ku tilmaamay arrinta dowladda Somalia ku dhaqaaqday, isagoo xusay inaysan munaasab ahayn maxkamadayn qof qaatay madhabta Shiicada qaatay.

Wasiirka ayaa ku andacooday inay jiraan urur diimeedyo badan oo kajira Somalia kuwaasina ay kadhib iyo khatar badanyihiin kooxaha faafinaya Shiicada, wuxuuna xusay in qofkasta u madaxbanaanyahay fikirkiisa una taallo isaga iyo ILLAAHA abuurtay.

Waa markii ugu horraysay masuul katirsan dowladda Puntland khalad kutilmaamo go'aanka dowladda Somalia xiriirka ugu jartay waddanka Iran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM