Puntland: Wasiir difaacay go’aan Gaas dabada ka riixayo

Image

GAROOWE, Puntland - Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali [Qarjab] ayaa difaacay go’aan uu Guddiga Difaaca gaarey, kaasoo ahaa in murashaxiinta ay kusoo wargeliyaan hay’addaha amniga marka ay qabsanayaan kulamada siyaasadeed.

Ujeedka ugu wayn ee laga leeyahay talaabadani ayuu Wasiirka daboolka ka qaaday inay tahay si hay’addaha nabad-gelyadda u xakameeyaan hadii ay dhibaato ka timaado kulamaadaasi oo dad badan ay kasoo qaybgalaan.

Murashaxiinta qaarkood ayuu xusay Wasiir Qarjab inay soo dhaweeyeen go'aanka Guddiga difaaca qaatay, inkastoo kuwa kale ay kasoo horjeesteen, iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid lagu cuburinayo, sidoo kalena lagu dagaalamayo ololahooda doorashada

Madaxweyne Cabdiwali Gaas, ayaa la fahansan yahay inuu dabada ka riixayo go’aankani uu bilooyin kahor gaarey Guddiga difaaca Puntland, xili damaciisu yahay inuu ku xakameeyo dhaqdhaqaaq badan oo ay sameeyaan murashaxiinta kasoo horjeeda.

Gaas iyo koox kale oo Xilldhibaano waqtigooda dhamaadey, ayaa la ogaaday inay ku mashquulsan yihiin sidii ay wax ka bedal ugu sameyn lahaayeen qodobo kamid ah Dastuurka, gaar ahaan midka xeerinaya tirada kuraasta Baarlamaanka maamulkan.

“Wax caburin la yiraahdo ma jirto. Kaliya waa in la hubiyo nabad-gelyadda. Murashaxiinta way soo dhaweeyeen, waxayna sheegeen inay iyagu ay u baahan yihiin in la sugo amaankooda,” ayuu yiri Wasiir Qarjab oo wareysi siiyey BBC-da.

Doorashada Puntland ee January 2019 ayaa ah mid ka xamasad badan kuwii hore xili Cabdiwali Gaas oo lagu tilmaamay midkii ugu musuq-maasuqa badnaa taariikhda maamulkaan 20-sano jir-saday, uusan wali caddeynin hadii uu Murashax yahay.

Ugu dambeyntii, Qarjab ayaa gaashaanka ku dhuftay in Kontaroolka laga soo galo magaalada Garoowe lagala dego gaadiidka dadka shacabka ah, kuwaasoo lagu shabadeeyo inay “argigixiso yihiin” ama xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM