​Puntland: Wasiir Taageeray Dhiibista Qalbi Dhagax oo xilka laga qaaday

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka Madaxweyne Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa xilkii looga qaaday Wasiir dowlahii Madaxtooyada ee Xiriirka Gobollada Puntland, Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.

Xilka qaadistan ayaa timid kadib markii wasiirkan uu warbaahinta ka sheegay [Halkan ka akhri] inuu taageersanyahay tallaabada dowladda Soomaaliya ku wareejisay sarkaal katirsan ONLF oo lagu magacaabo Qalbi Dhagax.

Gurxan ayaa tilmaamay in isagoo ku hadlaya aragtidiisa iyo midda xukuumadda go’aanka DFS uu ka turjumayo maslaxadda gobolka iyo tan shacabka intaba.

Hadalkaas ayaa keenay in wareegto maanta kasoo baxday Madaxtooyada gaar ahaan Madaxweyne ku-xigeenka shaqadii looga Cayriyo wasiirkaas oo lagu eedeeyay in uu ku kacay hab dhaqan liddi ku ah dowladnimada.

Camey ayaa xilka qaadistiisa sidoo kale u cuskaday in wasiirkan uu muujiyay mas’uuliyad darro, kaliftay inuu waayo shaqadiisa.

Warar warsidaha Garowe Online ka helayo dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas uu aad uga carooday hadalka Wasiirkaas uu ka sheegay warbaahinta islamarkaana ku-xigeenkiisa uu soo amray inuu xilka ka qaado.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa dhawaan safar kaga yimid magaalada Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM

Puntland: Howlgalka Calmiskaad oo guulo laga gaaray

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday raashin, iyadoo la qabtay laba nin oo waday gaarigaas.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 05:47PM