Puntland: Wasiir u dalacay Xildhibaan oo la maamuusay
GAROWE, Puntland - Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa qado sharaf, hambalyeyn, duco iyo dardaaran isugu jira u sameeyey Wasiirku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ahna Xildhibaan DFS Mudane Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan.
Xildhibaan Qawdhan waxaa ku weheliyey Xildhibaanada cusub ee Dawlada Federalka Soomaaliya ee ay ka mid yihiin Xildhibaan Yuusuf Cali Xoosh, Xildhibaan General Axmed Taajir, Xildhibaan Cabdullaahi Xasan Rooble
Xisaabiyaha Gobalka Nugaal Mukhtaar Cabdi Faarax oo ku hadlay afka qaban-qaabiyayaasha qada sharaftan ayaa tilmaamay in xafladan ay soo agaasimeen dhamaan shaqaalaha wasaaradda Maaliyada iyo madaxdooda ayna ujeedadeedu ahayd saagootinta, u ducaynta iyo la dardaaranka xubnaha cusub uuna kamid noqday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna sheegay inay tebi doonaan Wasiir Cabdi Qawdhan balse ay ku hilmaami doonaan masuuliyadda uu qaranka u qaaday xili doorkiisa loo baahnaa.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Maxamed Cabdiqaadir iyo Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyada Mudane Keenadiid Cali Jaamac ayaa iyaguna si isku mid ah ula dardaarmay, uguna duceeyey xubnaha cusub ee Xildhibaanada DFS.
Xildhibaanada cusub ayaa uga mahadceliyey shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda qada sharaftan waxayna sheegeen inay tani muujinayso sida shaqaalahani u jeclaayeen Wasiirkooda Cabdi Ibraahim Warsame.
Wasiirku xigeenka Maaliyadda ahna Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame ayaa u mahadceliyey shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna tilmaamay inuusan ilaawi doonin wada shaqayntoodii iyo saxiibtinimadii dhexmartay mudadii ay wada shaqaynaayeen, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan shaqada qaran ee ay ummadda reer Puntland u hayaan.
GAROWE ONLINE