​Puntland: Wasiirka Caafimaadka oo shir u jooga Pakistan

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wafdi kasocda Wasaaradaha Caafimaadka dawladda federalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, ayaa ku sugan dalka Pakistan halkaasoo lagu qabanayo shir looga hadlayo caafimaadka iyo qaabkii loo hormarin lahaa wasaaradaha.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimid waddamada ku midaysan EMRO, waxaana mudadii uu socday diiradda lagu saaray qodobo ay kamid ahaayeen;

1. Isuduwidda dhaqaalaha, shirarka caafimaadka  (coordination)

2. Kordhinta awoodda shaqaalaha Wasaaradaha,

3. Xaaladaha deg-degga ah

4. Isbitaallada (secondary care)

5. Takhsusaadka ( GP doctors trainig)

6. xirfado kooban, sida (section) 

7.  Xoojinta ilaalinta  Cudurrada (surceillance).

Dhinaca kale waxaa shir wada qaatay Agaasimaha Guud ee WHO Dr Todros, Wasiirka Caafimaadka Pakista iyo wafdiga ka socday Soomaaliya.

Waxay kawada hadlayeen arrimahan iyo sida wax looga qaban doono, waxaana la sheegay inay isku af-garteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM