​Puntland: Wasiirka Cadaaladda oo u digay culimaa'udiinka

Image

GAROWE- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda dowladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac, ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan bisha Ramadaan bilashadeeda, wuxuuna baaq u diray dhammaan culimaa'udiinka Puntland.

Saalax, ayaa sheegay in muddooyinkii dambe jiray is dhex yaac ku aadan caddaynta bilashada Bisha Ramaadaan, isagoo xusay inay wasaaraddu isu xilsaari doonto qaabkii loo caddayn lahaa waqtiga ay ku beegantahay.

Culimaa'uddiinka Puntland, ayuu fariin adag u diray isagoo ugu baaqay inay ka digtoonaadaan arrimaha khuseeya ka go'aan gaarista waqtiga la soomayo, taasi oo uu xusay inay iyagu mas'uuliyadeeda qaadan doonaan wasaaradda cadaaladda Puntland oo ay raadin doonaan.

Waqtiyada afurka iyo Afxirashada Soonka ayuu soo hadal qaaday isagoo ku baaqay inaan laga hormarin xilliyada ay ku beegantahay, wuxuuna culimada masaajidda joogta ugu baaqay inay ilaaliyaan xilliyadaas oo aysan ka hordhicin ama ka dib dhicin.

Hadalkan ayaa wasiirka cadaaladda Puntland kasheegay xilli maanta uu ka qayb galay shirka ka dhacay caasumadda Garowe oo looga hadlayay arrimaha deegaanka, waxayna kusoo beegantay lagu kala duwanyahay waqtiga ka harsan bisha soon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM