​Puntland: Wasiirka Cadaaladda oo u digay culimaa'udiinka

Image

GAROWE- Wasiirka wasaaradda Cadaaladda dowladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac, ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan bisha Ramadaan bilashadeeda, wuxuuna baaq u diray dhammaan culimaa'udiinka Puntland.

Saalax, ayaa sheegay in muddooyinkii dambe jiray is dhex yaac ku aadan caddaynta bilashada Bisha Ramaadaan, isagoo xusay inay wasaaraddu isu xilsaari doonto qaabkii loo caddayn lahaa waqtiga ay ku beegantahay.

Culimaa'uddiinka Puntland, ayuu fariin adag u diray isagoo ugu baaqay inay ka digtoonaadaan arrimaha khuseeya ka go'aan gaarista waqtiga la soomayo, taasi oo uu xusay inay iyagu mas'uuliyadeeda qaadan doonaan wasaaradda cadaaladda Puntland oo ay raadin doonaan.

Waqtiyada afurka iyo Afxirashada Soonka ayuu soo hadal qaaday isagoo ku baaqay inaan laga hormarin xilliyada ay ku beegantahay, wuxuuna culimada masaajidda joogta ugu baaqay inay ilaaliyaan xilliyadaas oo aysan ka hordhicin ama ka dib dhicin.

Hadalkan ayaa wasiirka cadaaladda Puntland kasheegay xilli maanta uu ka qayb galay shirka ka dhacay caasumadda Garowe oo looga hadlayay arrimaha deegaanka, waxayna kusoo beegantay lagu kala duwanyahay waqtiga ka harsan bisha soon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM