​Puntland: Wasiirrada oo ka hadlay arrimaha Sool iyo sanaag

Image

GAROWE, Puntland- Shirka Khamiis laha golaha wasiirrada Puntland ayaa maanta looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jiraan xaaladda gobollada Sool iyo Sanaag, xuska 1-ada Augusto iyo soo dhaweynta xulka Puntland matalayay ee ku guulaystay koobkii maamul goboleedyada ee lagu qabtay Muqdishu.

Golaha xukuumadda Puntland ayaa tilmaamay in maamulka Somaliland farogalin ku hayo gobollo Sool iyo Sanaag sidaas owgeed hadii aysan ka waantoobin maxsuulka kasoo baxa dusha u ridan doonto maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargaysa.

Waxay sidoo kale tilmaameen inaysan suuro gali karin diiwaangalinta ay doonayaan inay ka hirgaliyaan labadaasi gobol.

Qoraal kasoo baxay shirkaasi ayaa golaha wasiirradu sheegeen in la magacaabay guddi wasiirro ah kuwaasi loo xirsaaray soo dhaweynta, abaalmarinta iyo dajenta kooxda koobka soo qaaday ee la filayo in maalinta Jimaha soo gaaraan magaalada Garowe.

Xuska 1-da Augusto oo sannadkan loo samayn diyaargarowgii looga bartay ayay sheegeen inay tahay muqadas weynayn loo sameeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM