​Puntland: Wasiirrada oo ka hadlay arrimaha Sool iyo sanaag

Image

GAROWE, Puntland- Shirka Khamiis laha golaha wasiirrada Puntland ayaa maanta looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jiraan xaaladda gobollada Sool iyo Sanaag, xuska 1-ada Augusto iyo soo dhaweynta xulka Puntland matalayay ee ku guulaystay koobkii maamul goboleedyada ee lagu qabtay Muqdishu.

Golaha xukuumadda Puntland ayaa tilmaamay in maamulka Somaliland farogalin ku hayo gobollo Sool iyo Sanaag sidaas owgeed hadii aysan ka waantoobin maxsuulka kasoo baxa dusha u ridan doonto maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargaysa.

Waxay sidoo kale tilmaameen inaysan suuro gali karin diiwaangalinta ay doonayaan inay ka hirgaliyaan labadaasi gobol.

Qoraal kasoo baxay shirkaasi ayaa golaha wasiirradu sheegeen in la magacaabay guddi wasiirro ah kuwaasi loo xirsaaray soo dhaweynta, abaalmarinta iyo dajenta kooxda koobka soo qaaday ee la filayo in maalinta Jimaha soo gaaraan magaalada Garowe.

Xuska 1-da Augusto oo sannadkan loo samayn diyaargarowgii looga bartay ayay sheegeen inay tahay muqadas weynayn loo sameeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM