4 Askari oo lagu dhaawacay weerar ka dhacay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Mallayshiyaad ku hubaysan Qoryaha daran dooriga u dhaca iyo Bambaanooyin ayaa caawa fiidkii weerar ku qaaday Saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wararka uu Garowe Online ka helayo weerarkaas ayaa sheegaya inay ku dhaawacmeen saddex Askari iyo taliye ku-xigeenkii Saldhigga.

Dhaawaca ciidamada ayaa loo qaaday Cisbitaalka magaalada Boosaaso halkaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Sarkaal kamid ah ciidamada Ammaanka gobolka Bari oo la hadlay Garowe Online ayaa yiri, "Mallayshiyaad hubaysan ayaa nagu soo weeraray saldhigga iyagoo adeegsanaya Bumbooyin iyo Qoryaha daran dooriga u dhaca gaar ahaan PKM-ka."

Isagoo codsaday inaan qarino magaciisa sarkaalkaas ayaa sheegay in kooxdan ay ku awood badanyihiin magaalada islamarkaana iyagoo qaab ciidan u socda saldhigga soo weerareen.

Ciidamada ammaanka ayaa iska caabiyay mallayshiyaadkaas kadib dagaal muddo kooban socday, waxaana halkaas soo gaaray ciidamo dheeraad ah.

Lama oga cidda soo qaaday, balse waxaa loo malaynaa inay katirsanyihiin mallayshiyaadka Shabaab iyo Daacish oo ku dhuumaalaysta gobolka Bari.

Xaaladda ayaa iminka dagan, waxaase wali la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay ridayaan ciidamada ammaanka.

Maaha markii ugu horaysay uu weerar noocaan ah ka dhaco magaalada, waxaana horay qaraxyo kala duwan loogu dilay ciidamo taasoo ay sheegteen ururrada Argagixisada ah ee Shabaab iyo Daacish.

Dhawaan waxaa weerar lagu qaaday xarunta ciidamada taraafikada lagu dilay hal Askari.

Arrintan ayaa kusoo beegantahay xilli madaxweynaha Puntland uu ku maqanyahay magaalada Muqdisho, kaasoo socdaalkiisa kusoo beegay xilli xaalad ammaan ay ka jirto waddanka islamarkaana taagantahay xiisadda Tukaraq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM