Puntland: Xaalada maxaabiista gobolka Nugaal oo loo kuur-galay

Image
Guddigu waxay ku booriyeen Booliska inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan sugidda Amniga.

GAROWE, Puntland - Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray kormeerka iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Saldhiga Bari ee caasimadda Puntland ee Garoowe.

Xildhibaan ayaa warbixin ka dhageystey mas'uuliyiin saldhiga, iyagoo la wadaagey xaaladda Ciidanka, maxaabiista iyo doorka Booliska suggidda Amniga magaaladda iyo caqabaha jira.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa warastey maxaabiista ku xirnan saldhigyada si u la socdaan xaaladooda.

Guddigu waxay ku booriyeen Booliska inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan sugidda Amniga iyo bixinta adeegyada Booliska ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM