Puntland: Xal laga gaaray Khilaafka golaha Deegaanka Garoowe

Image

GAROOWE, Puntland- Waxaa maanta la shaaciyay in xal laga gaaray khilaaf soo kala dhexgalay golaha deegaanka degmada Garoowe oo kalifay in mooshin xil-kaqaadis ah laga keeno Guddoomiyaha golaha deegaanka Xasan Maxamed Ciise Goodir.

Shir saxaafadeed ay si wadajir ah u qabteen xubnaha Mooshinka keenay iyo maamulka degmada Garoowe, waxay ku sheegeen in lasoo afmeeray kala aragti duwaan u dhaxaysay dhinacyada islamarkaana ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay.

Mowliid Khaliif oo kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka keenay ayaa Warbaahinta u sheegay in Mooshinkoodu ahaa sax balse ay kusoo beegeen madal iyo waqti aan munaasab ahayn, kadibna uu sababay dhibaato kala duwan.

"Mooshinkaas waan ka tanaasulay waana dhammaaday anagoo uga tanaasulay duruufaha jira, xaaladda deg deg ah ee waddanku ku jiro, duruufaha magaalada iyo mashaariicda hormarineed ee ka socota, Guddoomiyahana u noqoto in aan anagu dooranay kana qaadir karno," sidaas waxaa yiri Mowliid oo kamid ah golaha deegaanka degmada Garoowe.

Gudoomiyaha degmada Garoowe, Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa sheegay inay raaligalin ka bixinayaan wixii ka dhacay hoolkii kalfadhiga lagu furayay ee PDRC, gaar ahaan Isimada Puntland oo hortooda dhibaatadu ka dhacday.

"Waxaan ku heshiinay inaan wada-shaqayno inaan gacmaha is-qabsano, oo kitaabkii aan ku dhaaranay si daacad ah ugu wada-shaqayno," ayuu yiri Goodir.

Shaacinta heshiiskan ayaa yimid labo maalin kadib markii golahan uu ku kala tagay furitaanka Kalfadhigoodii 24aad ee golaha deegaanka degmada Garoowe, kasoo looga hadli lahaa ajandayaal kala duwan.

Doorka heshiiskan ayaa wararku sheegayaan inay qayb ka yihiin isimada Puntland iyo xukuumadda oo mar hore naqdisay inay qabato mooshinka loo soo gudbiyay iyagoo ka codsaday Xildhibaanada inay eegaan arrimo badan oo dalka ka jira.

Maaha markii ugu horaysay uu khilaaf soo kala dhexgalo golaha deegaanka degmada Garoowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM