Xal loo helay falcelin ay sameeyeen askar diidey dib-u-habeyn

Image

GAROWE, Puntland - Xal ayaa laga gaarey falcelin ay ciidamo ka tirsan dowlada Puntland ka sameeyeen markii mushaharka looga joojiyey in ay diideen dib-u-habeynta ciidanka, sidda uu ogaadey bogga Garowe Online.

Saraakiil si dhow ula socda xaalada oo la hadlay GO ayaa sheegay in ciidamadda ay ogolaadeen in ay maraan nidaamka dib-u-qaabeynta isla markaana ay heli doonan xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda.

Falcelinta ay ciidamada ka sameeyeen talaabada dowlada ayaa la wariyey in ay tahay isbaaro ay muddo ku dhow todobaad ay dhigteen wadada isku xirta magaaladda caasimada ah ee Garowe iyo Gaalkacyo.

"Wararka la wareejinayo baraha bulshadda iyo sidda loo dhigayo falcelinta ciidamadda waa waxba kama jiraan. Askarta waxaa mushaharka looma diidin ee waxaa looga joojiyey in ay diideen in ay maraan nidaamka dib-u-qaabeynta," ayuu yiri mas'uul si dhow ula socda xaaladda oo khadka telefoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online.

Wuxuu ku daray: "Kadib dedaalo ay bixiyeen wafdi ay saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin gobolka Mudug ku jiraan oo dowladda Puntland dirtay waxaa lagu guuleystay in xal laga gaaro qadiyaddaas".

Dowladda Puntland ayaa dib-u-qaabeyn ballaaran waxay ku sameysay qeybaha kala duwan ciidamadda, iyaddoo la hubiyey tiradda saxda ah ee askarta isla markaana lagu diiwaan-geliyey habka casriga ah.

Dib-u-qaabeynta ciidamadda oo kamid ah shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya ayaa dhabaha u xaartey in askari walba loo sameeyo akoon si uu bil walba u helo mushaharkiisa halka kalkii hore loosoo marin jiray taliyahiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM