Puntland: Xarumaha ganacsiga magaalada Bosaso oo xiran

Image

Jan 6, 2015 (GO)- Magaalada Bosaaso ayaa waxaa xiran maanta dhamaan xarumaha ganacsiga iyo dekada kadib markii xukuumada madaxeyne Gaas cashuur ku kordhisay qaar ka tirsan badeecadaha kasoo dega dakada.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in dekada Bosaso gabi-ahaanba saaka ganacsatada wax kala dagin waxaana taasi saameyn ku yeelatey dhamaan dhaqdhqaaqa magaalada ganacsi ee magaalada.

Xukuumada madaxweyne Gaaas ayaa kusoo rogtey cashuuraha qaar ka tirsan badeecadaha kasoo daga dekada taasi abuurtey muranka u dhexeeya ganacsatada iyo wasaarada maaliyada.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatada iyo saraakiil ka tirsan wasaraada maaliyada kulan ku leeyihiin rugta gancsiga Bosaso kaaoso looga wada xaajoonayo arrimaha soo kordhey.

Mudaharaadka ganacsatada Bosaso ku joojisay dhaqdhaqaaqa dekada iyo dukaamada ayaa kusoo beegmeysa safar madaxweynaha dowlada Puntland ugu ambabaxey gobolka barri saaka.

Madaxweynaha Puntland ayaa saaka ka ambabaxey magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe isaga oo ku sii jeeda magaalada Bosaso halkaasoo laga furayo garoonka diyaardaha ee cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM