Puntland: Xildhibaan dagaalka Galkacyo ku eedeeyay dowladda Federalka Somalia
25 November, 2015(GO)-Mudanayaal ka tirsan Barlamanka Puntland oo maanta shir jara'id ku qabtay magalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa kahadlay dagaalka 22 November, ka dhacday magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.
Xildhibaanada oo ku baaqay in dagaalka la joojiyo isla markaana ka tacsiyeeyay dhibkii ka dhashay, ayaa xusay inay falkaasi ku lug lahaayeen gacmo shisheeyo kuwaasi oo leh dano siyaasadeed.
Xubnaha shirka qabtay oo gaaray ilaa shan Xildhibaan ayaa kala ahaa; Xildhibaan Cabdixakiim Dhoobo Dareed, Cabdi Saciid Samatar Surcad, Cabdi daahir, Shaacuur iyo Cali Dhagacade.
Cabdixakiim Dhooba Daareed, ayaa tilmaamay in arrintaasi ku lug leedahay dowladda Federaalka Somalia, islamarkaana dabada ka riixayso maamulka Galmudug, wuxuuna ku eedeeyay inay ka soo horjeedo maamullada dhismaya iyo kuwii horay u dhisnaa, isla markaana ku tumanayso dastuurka dalka iyo dadka Somaliyeed ka dhaxeeya.
Federaalka ayuu ugu baaqay inay ka baxaan arrimaha Siyaasadeed ee faraha kula jirto, kana shaqayso maslaxadda umadda Somaliyeed.
Dowladda Puntland ayuu ugu baaqay Dhoobo Daareed difaacidda dalka iyo dadkeeda, wuxuuna ku ammaanay ilaa hadda tallaabooyinka ay qaadeen, isagoo uga digay inaan dhib la dhex dhigin dadka gobolka wada daga.
Xildhibaan Cabdixakiim, ayaa sidoo kale ka hadlay shir ka socda magalada Nairobi kaasi oo wadaan siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada Sool Sanaag iyo Cayn, wuxuuna tilmaamay in dadka deegaanadaas 1998 la midoobeen dowladda Puntland ee xilligaas la dhisay, kadibna aysan jirin meel kale oo la isugu yimi si gobolladaasi looga hadlo.
Wuxuu shirkaasi ku tilmaamay mid aan lahayn sabab looga hadlo gobolladaasi iyo ayaahooda, wuxuuna ku tilmaamay inaysan ka warhayn ujeeda ka dambaysa.
Xildhibaanda kale ee hadlay ayaa shacabka ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan iyagoo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu Xamar ka maleegayo dhibka Galkacyo ka socda, waxayna ugu baaqeen inuu ka daayo shacabka Somaliyeed dhibka, dibindaabyana ugu filantahay wixii uu horay u gaystay.
Arrintan, ayaa timi xilli magalada Galkacyo ka socdaan waan waan lagu doonayo in lagu soo afjaro dhibkii dhawaan ka dhacay magaladaasi, waxaana soo baxaya baaqyo iyo sidii looga hortagi lahaa dhib mar kale dhaca.
GAROWEONLINE