Puntland: Xildhibaano cusub oo lagu dhaariyey Garowe

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fadhiga 25-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxaa maanta shir-Guddoomiyey Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril.

Ku xigeenka 1aad Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2aad, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa wehliyey afhayeenka baarlamaanka Puntland.

Kulanka ayaa maanta looga hadlay soo jeedinta ogolaanshaha Xubinnimada 8 Xildhibaan oo cusub iyo ka doodista Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.

Sidda uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland qodobadiisa 61-aad iyo 132-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaa Golaha Wakiillada lagu hor dhaariyey 8 Xildhibaan oo cusub kuwaas oo bedelay Xubnihii hore ee laga Xayuubiyey Xubinnimadii iyo Xasaannada.

Magacyada Xildhibaannada cusub ayaa kala ah;

1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
3. Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase
4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)
6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)
7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood

Mudaneyaasha cusub ayaa bedelaya xubno kale oo bishii December, 2020 Xildhibaanimadooda ku waayey eedeymo la xiriira "khiyaano qaran" iyo "taageerida ajande shisheeye".

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa gudo galay inay qodob-qodob uga doodaan Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha kaas oo ka kooban 36 Qodob.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM