Puntland: Xildhibaano ka hor-yimid damaca Gaas ee Dastuurka [DAAWO]

Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday ee maamulkan Cabdiweli Gaas, ee ah inuu furo dastuurka.

Waxay sheegeen in lifaaqii ugu dambeeyay ee uu soo saarey Aqalka Wakiiladda ee ku aadan nooca doorasho ee ka dhacay Puntland inuusan ku jirin in xilligan la kordhiyo tiradda kuraasta Baarlamaanka, oo ah haatan 66 mudane, waxayna isku dayga uu wado maamulka Gaas ku tilmaameen mid sharci darro ah, oo lagu khal-khal gelinayo jiritaan Puntland.

Xildhibaano tiro yar oo dano gaar ah wata iyo Gaas ayaa lagu eedeeyay inay ka shaqeynayaan muddo kororsi sharciga waafaqsanayn iyo dib u dhac ku yimaada doorashada madaxwaynaha maamulkaan oo loo mudeeyay bisha January ee 2019.

Sharci-jideyaasha ayaa xaqiijiyey in kooxda Baarlamaanka tirsan ee olalahaan wada qaarkood la bedalay, kuwa kalena si ay usoo laabtaan ay ku bixinayaan dhaqaalo uu warsidaha Garowe Online fahansan yahay inay gaareyso 5,000 illaa iyo 3,000 oo Dollarka Mareykanka.

“Waa sharci darro talaabani. Xilldhibaano la bedalay iyo kuwa waqtigoodu ka dhamaaday maxay bedali karaan? Su’aasha kale ee muhiimka ah waxay tahay maxaa xiligaan kusoo beegay? Waxa kaliya aan ku jawaabi karno waxay tahay in la doonayo in Puntland loo horseedo qalalaaso dasuur, sheekaduna way ka adag tahay marka ay Dastuur tagto, sidaas darteeda waan uga digaynaa saaxiibadeena Baarlamaanka ka tirsan. Shacabka Puntland waa inay la socdaan,” ayey ku doodeen Xilldhibaanadda.

Dhawaqa culus ee kasoo yeeray Xilldhibaanada ayaa imaanaya xili Gollaha Wakiiladda Puntland lagu wado in 25-ka bishaan oo ku began Berri oo Khamiis ah uu ufurmo Kal-fadhiga ugu dambeeyay, kaasi oo lagu rajaynayo inay inta badan diiradda ku saaraan shuruucda qusaysa dooraashooyinka 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM