​Puntland: Xog uruurin laga sameeyay dakhliga soo gala dowladaha hoose

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Kulan hal maalin soconaya oo maanta lagu qabtay magalada Garowe xarunta Puntland, ayaa  looga hadlay xog uruurin dhawaan laga sameeyay qaabka dowladaha hoose ee Puntland dakhliga u helaan taasi oo ay diyaarisay hay'ad caalamiha oo lagu magacaabo ODI.

Shirkan oo ay hogaaminayso wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu turxaan bixin doonaa warbixinta hay'aadaasi soo bandhigtay, waxaana maxsuulka kasoo baxay kulanka lagu dabaqi doonaa warbixintaasi.

Munaasabadda xogtaasi  looga hadlayay waxaa kasoo qayb galay xubno kasocda wasaaraddaha maaliyadda Puntland, arrimaha gudaha, dowladdaha hoose iyo mas'uuliyiin kasocda hay'adaha caalamiga ah ee ka howlgala deegaanada Puntland.

Agaasimaha Guud ee canshuuraha Bariga wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Jamac Gaashaan, oo kawaramayay qorshahan ayaa tilmaamay inay wadaan qorshe lagu ballaarinayo miisaanidda dowladda islamarkaana ka dhexmuuqdaan dhammaan miisaaniyadaha waddanka oo idil.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Muno Daahir oo shirka furtay ayaa sheegtay in qorshahan muddo laga soo shaqaynayay iyadoo xustay inay tahay qorshaha kaliyaha ee lagu ogaan karo dakhliyada dowladaha hoose ee Puntland.

Horaantii Bishii Febraayo ee Sanaadkan ayay ahayd markii hay'adda lagu magacaabo ODI ( Oversea Development Institute) oo ka shaqaysa arrimaha la talinta samaysay xog uruurin laga qaaday dowladaha hoose iyo wasaraddaha dowladda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM