Puntland: Xoghaye cusub oo loo magacaabay Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyoo horumarinta reer miyiga Puntland Eng Cabdullaahi Cali Xirsi [Tima-cadde] ayaa Xoghaye cusub u magacaabay dowladda hoose degmada Garowe.

Wasiirka ayaa Xoghayaha dowladda hoose ee Garowe u magacaabay Maxamuud Cali Xasan, kadib markii dhawaan xilkaasi laga qaaday Cabdiqafaar Cabdiraxmaan isagoo mudo labo sano ah xafiiska joogay.

Magacaabista Xoghayaha cusub ee Garowe waxaa lagu wargeliyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas", Gudoomiyaha maamulka gobolka Nugaal iyo duqa degmada.

Mudane Maxamuud Cali Xasan ayaa soo noqday ku xigeenka gudoomiyaha Hay'adda wadooyinka Puntland [PHA], waxaana uu bedelayaa Cabdiqafaar oo dhawaan xilka laga qaaday.

Hoos ka akhriso Warqada magacaabista:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM