Puntland: Xoojinta ammaanka Gaalkacyo oo shir laga yeeshay

Image
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa sidii dib-u-eegis loogu samayn lahaa Howlaha amniga Gobolka Mudug iyo shaqooyinkii qabsoomay.

GAALKACYO, Puntland - Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa ka qayb galay kulan looga hadlayey Xoojinta Amniga Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada waxaa gudoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise,waxaana looga hadlay sidii dib-u-eegis loogu samayn lahaa Howlaha amniga Gobolka Mudug iyo shaqooyinkii qabsoomay.

Shirka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland,uddoomiyaha Gobolka, Taliyaha qaybta gobolka Mudug,Taliye k xigeenka qaybta Gobolka Mudug,Duqa Gaalkacyo,Taliyaasha Saldhigyada Gaalakacayo iyo Saraakiisha heer Gobol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM