Puntland: Xoojinta ammaanka Gaalkacyo oo shir laga yeeshay

Image
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa sidii dib-u-eegis loogu samayn lahaa Howlaha amniga Gobolka Mudug iyo shaqooyinkii qabsoomay.

GAALKACYO, Puntland - Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa ka qayb galay kulan looga hadlayey Xoojinta Amniga Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada waxaa gudoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise,waxaana looga hadlay sidii dib-u-eegis loogu samayn lahaa Howlaha amniga Gobolka Mudug iyo shaqooyinkii qabsoomay.

Shirka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland,uddoomiyaha Gobolka, Taliyaha qaybta gobolka Mudug,Taliye k xigeenka qaybta Gobolka Mudug,Duqa Gaalkacyo,Taliyaasha Saldhigyada Gaalakacayo iyo Saraakiisha heer Gobol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM