​Puntland: Xubnaha maxkamadda sare oo la kala diray [Warbixin]

Image

GAROWE, Puntland- Barlamanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku diiday digreeto Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ku doonayay inuu muddo 4 bilood ah ugu daro xubnaha maxkamadda Sare ee Puntland kuwaasoo ka kooban 5 xubnood.

Xubnahan ayaa waqtigoodu ku ekaa 22 bishan, waxayna kala yihiin; Guddoomiye, ku-xigeen iyo saddex Garsoore.

Barlamanka ayaa dood dheer ka sameeyay in la aqbalo codsiga qorshah madaxweyne Gaas ku doonayay inuu mar labaad waqtiga u dheereeyo guddigaasi, waxayna soo jeediyeen in cod loo qaado saddex tallaabo midood kuwaasoo kala ahaa;

1.       In la diido codsiga madaxweynaha

2.       In waqti loogu daro ilaa bisha November oo uusan madaxweyne Gaas waqti kordhin dambe u samayn

3.       Iyo in xafiiska banneeyaan marka waqtigoodu dhammaado

Dood dheer kadib Barlamanka ayaa cod u qaaday saddexdaas tallaabo, waxaana in kabada 20 mudane u codeeyeen in waqtiga loogu daro ilaa bisha November, halka qodobada kale heleen tiro intaasi ka yar.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Barlamanka ahna ku-simaha Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna sheegay inaysan helin codkii  sharciyayn lahaa inay sii joogaan xafiiska [35 cod], waxayna sidaasi ku waayeen digreetadii madaxweynaha.

Horay waxaa dood adag uga taagnayd 7 bilood oo si sharci darro ah madaxweyne Gaas ugu daray Xubnaha maxkamadda sare ee Puntland, waxaana u ansixyay guddiga joogtaha ee golaha shacabka oo lagu eedeeyo inay u fur-furanyihiin siyaasadmaada madaxweynaha.

Xilliga ansixintu dhacaysay Barlamanka ayaa ku maqnaa fasax, waxaana markii la isu soo laabtay doodi ka dhalatay sharci ahaanshaha muddo kordhintaasi iyadoo la isweydaarsaday fikrado ku saabsan  inay guddigaasi xaq u leeyihiin ansixinta muddo kordhinta madaxweyne Gaas.

Dalabka labaad ee Cabdiwali Maxamed Cali ayaa yimi xilli doodii hore taagantahay wali, waana tan keentay in cod loo qaado sidaasna lagu diido qorshihii madaxweyne Gaas, waxayna u qabteen inuu muddo kooban kusoo magacaabo xubnaha maxkamadda sare.

Waxaa xusid mudan in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Cabdulqaadir Sheekh Axmed uu walaal la yahay wasiirka maaliyadda Puntland.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli laamaha garsoorka Puntland lagu dhaliiyay gaabis dhanka shaqada ah, taasoo keentay inaysan guddan shaqadii  loo igmaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM