Puntland: Yaasin Cabdi Seed oo ka tanaasulay xubinta Aqalka Sare

Image

GAROWE, Puntland- Yaasiin Cabdi Seed oo ahaa murashax u taagnaa inuu kamid noqdo xubnaha Puntland u matalaya Aqalka Sare ee Barlamanka Federalka Somalia, ayaa maanta shaaciyay inuu booskaasi ka tanaasulay.

Seed oo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay in xubintaas u daayay Murashaxa kale ee kula tartamaysay Saynab Xaashi Biixi.

Wuxuu qiray inuu jiro cadaadis dhinaca qoondada dumarka ah oo soo foodsaaray madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas, isagoo sheegay in qorshahan yahay mid isaga ka yimid.

Xukuumadda Puntland ayuu ku ammaanay sidii ay kalsoonida u siisay isagoo ballanqaaday inuu ka shaqayn doono maslaxadda Somalia, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inuu taageeri doono xubnaha dumarka ah ee kusoo baxa doorashada Aqalka Sare.

Yaasin Cabdi Seed, ayaa dhinaca kale ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, wuxuuna ku baaqay in deg deg loo joojiyo islamarkaana loo istaago qaabkii loo qaboojin lahaa xiisadda taagan.

12 October, 2016 ayaa warsidaha Garowe Online daabacay in madaxweyne Gaas dib ugu noqon doono Liiskii Aqalka Sare ee dhawaan soo magacaabay.

Murashaxa tanaasulay ayaa kamid ahaa Barlamanka Waqtigiisu dhammaaday ee dowladda Federalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM